Allbanaadir.com
NEWS

DF oo War ka soo saartay qaraxii qabsaday Kolonyada Madaxweynaha

Dowlada Somalia aya sheegtay in la fashiliyey qarax weyn oo meel aan fogeyn  Villa Somalia lagula eegtay kolonyo uu ka socday Madaxweyne Xassan Shiikh oo ku sii jeeday garoonka Aadan cadde

Hoos ka akhriso qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Som alia

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ka saaraya argigixisada godadkooda iyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Iyadoo ciidamadeenu ay guulo waaweyn gaareen ayaa cadawga oo ku kacay fal fulaynimo ah oo quus ah waxaa maanta galinkii hore uu isku dayay weerar fashilmay oo lagu qaaday kolonyada madaxtooyada

Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho xilli Madaxweynaha uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle. Weerarkaasi waa la fashiliyay, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.

Falkan fulaynimada ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan, ayaa daliil u ah sida ay Al-Shabaab u sii kordhayaan quusta ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaan dhab ah, waxaana faah faahin dheeraad ah laga bixin doonaa khasaaraha ka dhashay weerarka.

Dagaalka aan kula jirno kooxahan xagjirka ah ma noqon doono mid liita. Anagoo kaashanayna midnimada dadkeena iyo taageerada saaxiibadayada caalamiga ah, waxaan Soomaaliya ku xaqiijin doonaa nabad iyo xasilooni waarta.

DHAMAAD

Related posts

Maxaa ka jira in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ?

Cabdi Cade

Diyaarad Abuu Mansuur kasoo qaadeysa Baydhabo oo goordhaw Muqdisho ka duushay

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo soo riday diyaarado qaraxyo siday oo lagu soo weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---