Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiilkh oo u gudbay Moqokori

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi u tagay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ciribtirka Al shabaab, waxaana uu la kulmayaa saraakiisha iyo madaxda hoggaaminaysa hawlgalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta tagay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe oo ka mid ah talisyada laga hoggaamiyo hawlgalada lagula dagaalamayo al shabaab

Madaxweynaha oo dayuurad Helicobter ah ay ka qaaday Muqdisho ayaa saaka kolonyo uu la socday waxaa qarax weyn lagula beegsaday meel aan ka fogeyn madaxtooyada DF, waxaana uu qabsaday qaraxaas mid ka mid ah gaadiidkii madaxweynaha Gelbinayey.

ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan ayaa halkaas ku dhintay kadib markii qaraxaas uu soo dumiyey guryo ku yaalla goobta uu dhacay, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegatay kooxda Al-shabaab.

Related posts

(Sawirro) WHO oo Sodomeeyo caruur dhicis ah ka soo saartay Isbitaalka Al-Shifa

Caydiid Ali

Ciyaartoyda Sooman ee ka ciyaara horyaalka Ingiriiska oo la siinayo fursad ay ku afuraan

Caydiid Ali

Deni oo soo magacaabay Guddiga Farsamo ee Hanaanka doorashooyinka ku matalaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---