Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo ka xumaaday xil ka xayuubintii Wasiir Jaamac

Warbaahinta iyo Falanqeeyayaasha Turkey ayaa aad uga faaloonaya xil ka qaadista Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo shalay ka mid noqday wasiiro uu saameeyey isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasirada Somalia.

Waxayna sheegeen in qorshahaan ay ka dambeeyaan Maraykanka iyo Imaaraadka oo diidan danaha Turkey ee Soomaaliya oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka Badda, baarista shidaalka iyo saldhiga hawada sare ee Turkey ka wado Soomaaliya.

Masuuliyiinta Turkey waxa ay sheegeen inay mudo la socdeen cadaadiska Maraykanka iyo Imaaraadku ku haayaan Soomaaliya oo xitaa maamulka Trump ku “hanjabay inay joojin doonaan taageerada dagaalka Al shabaab hadii aan wasiirkan meesha laga saarin”.

Warbaahinta Turkey ayaa leh Wasiir Jaamac waxa uu muhiim u ahaa xiriirka sii kordhaya ee Turkey iyo Soomaaliya. Balse falanqeeya yaasha ayaa isku raacay in xil ka xayuubinta uusan wax ka badali doonin heshiisyada maadaama Turkey uu heshiisyada la galay dowlada Soomaaliya.l

Wasiir Jaamac ayaa si weyn uga shaqeeyey heshiisyo badan oo ay Soomaaliya la gashay turkiga mudadii uu xilka hayey kuwaasoo la xiriiray arrimaha ciidamada, tababarada iyo taageerada Turkiga ee la xirirta dagaalka Al shabaab.

Related posts

Haweeney ka tirsaneyd Al-Shabaab oo ciidamada Kenya kala qeyb gashay dhoolatus

Caydiid Ali

Turkiga oo Muqdisho keenay Diyaarado dagaal oo casri ah iyo Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka oo kulan yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---