Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u daahfuray qalabka diiwaan gelinta codbixiyaha oo ah qalab casri ah oo lagu qabanaayo doorashada dadwaynaha
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin wayn uu Dalka u jihaystay doorasho dadwayne.
“Waxaan ku guulaysanay inaan diyaarino dhammaan agabkii aan ku qaban lahayn doorashada golaha deegaanka oo dhacaysa 30-Jun-2025” ayuu yiri Gudoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan.
Cabdikariim ayaa sidoo kale sheegay in 30-ka June Dalka ay ka dhici doonta doorashada golaha deegaanka.
“Muddo konton sano ah kadib Shacabka Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelan doona in ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay xaq u leeyihiin shacab-waynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha.
DF ayaa ku adkeysaneysa iney dalka ka qabaneyso doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah taasoo si weyn la iskugu khilaafsan yahay iyadoo dad badan ay talaabadaas ku tilmaameen mid qayaali ah marka la eego xaalada adag ee dalku ku sugan yahay in waqtiga kooban ee u haray madaxda dalka.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO