Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dhimashada duqeynta Israel ee Gaza oo kordhay

Tirada dadka ku dhintay duqeymihii cuslaa ee ay xalay Israa’iil ka geysatay Qasa ayaa korortay.

Ugu yaraan 400 qof ayaa haatan lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymahas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Qasa ee ay maamusho Xamaas.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen “weerarro xooggan” kadib markii lagu guuldareystay heshiis xabad joojin in la gaaro.

Weerarkan waxaa uu noqonayaa mowjaddii ugu weyneyd ee weear tan iyo 19-kii January, xiligaas oo uu dhaqan galay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay labada dhinac.

Kooxda Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuu burburiyay heshiiskii xabbad joojinta Qasa.

Waxa ay sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil xalay ka fulisay Qasa ay su’aal gelineyso mustaqbalka dadka lahaystayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in ugu yaraan 220 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka geysatay Qasa.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay, in weerarku uu sii socon doono inta loo baahan yahay, oo aanu ku ekaan doonin oo kaliya duqaymaha cirka.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

Related posts

Duqa magaalada Istanbul oo lagu dhegan yahay xaalkuna ku xunyahay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo saddex arrimood uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Marwo Anita Kiki (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---