Dagaalo ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe kuwaasoo dhexmaray ciidamada DF iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al shabaab.
Ciidamada DF iyo kuwa degaanka Guullane ayaa la sheegay iney weerar ku qaadeen xubno Al-shabaab ah oo ku sugnaa aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in weerarkan oo bilowday waaberigii hore ee saakay ay ku laayeen kooxdii Al-shabaab ka tirsaneyd ee halkaas isku abaabulayey.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weli ay sii baacsanayaan firxadka kooxdii ay ku weerareen goobta ay isku aruursanayeen.
Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa saaka weerar ku soo qaaday fariisin Ciidamada ku lahaayeen duleedka deegaan lagu magacaabo Ceelbarwaaqo oo ka tirsan Sh/Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo culus.
Goobo kale oo ka tirsan Gobolka ayaa la soo sheegayaa iney ka dhaceen dagaalo goos goos ah oo labada dhinac dhexmaray khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana ka dhashay inkastoo aan tirakoob sax ah laha heynin.
Madaxweyynaha Somalia Xassan Shiikh ayaa ku biiray maanta saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Sh/dhexe kuwaasoo wada abaabul guluf dagaal oo Al shabaab looga saarayo gobolka Sh/dhexe iyo guud ahaan Soomaaliya.
Al shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka waday Gobolka Sh/dhexe degaano ka tirsan kuwaasoo ay ku doonayeen iney dib ugu soo laabtaan degaano sanadkii hore laga saaray.