Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud, ayaa bahdil xooggan ku sameeyay odayaal ku heyb ah oo wasiirka ugu tagay cabasho ku aadan dhul ay leeyihiin oo laga boobayo.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya odayaal kasoo jeeda beesha Murusade oo guddi ah kana socday xaafada Soonakey ee degmada Hodan oo maalmo kahor ka dhaceen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac ay geesteen ciidamo katirsan dowladda , ayaa wasiirka kula dhaqmay si fool xun.
Odayaasha ayaa Wasiirka gurigiisa ugu tagay affurka kaddib, waxa ayna kala hadleen xaalada ka taagan xaafada Soonakey oo boosaska kuyaalla dadkii la lahaa la doonayo in laga barakiciyo qaarkoodna laga qaato lacago aysan awoodin .
Wasiirka ayaa markii uu odayaasha ka dhageestay cabashada ay qabaan warka ugu soo koobay in uusan isagu aheyn xildhibaan iyaga matela uuna yahay Wasiir , isaga oo u sheegay in ay aadaan xildhibaannada matela una sheegtaan cabashada ay qabaan.
Odayaashii Wasiirka gurigiisa u tagay ayaa waxaa kasoo haray markii uu hadalkaasi dhahay indha taag iyo naxtin, waxa ayna qaadan waayeen hadalka uu jawaabta uga dhigay wasiirkii dhammaa ee ku matelayay dowladda Federaalka, waxa ayna guriga isaga soo tageen odayaasha iyaga oo afka gacanta ku heesta.
Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa marar badan ka dhawaajiyay hadallo gaf iyo ceeb ku ah dadka uu matelo kuna joogo magacooda , waxa uuna sidaan hadda ula hadlay iyo ka daran gurigiisa iyaga oo jooga ula hadlay odayaal, dhallinyaro , kuwaa oo Wasiirka ka calool goostay dib damabana ugu laaban .
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com