Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo iska xaadiriyay furumaha hore ee dagaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, si uu garab-istaag ugu muujiyo mujaahidiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo halgameyaasha dadka deegaanka.

Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee gonolka Shabeelaha Dhaxe  kulamo halkaasi kula leh taliyaha ciidanka xoogag dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa iyo guddoomiyaha Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada Shuute oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa.

Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka horumarka weyn laga sameeyay ee lagu dabarjarayo cadowga Khawaarijta ah.

 

Related posts

Masiibo argagax leh oo ka taagan Magaalada Ruushku go’doomiyey ee Mariupol (Sawirro)

Caydiid Ali

Kaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu xiray Muqdisho

Cabdi Cade

Gudoomiye Degmo oo lagu jirdilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---