Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay waddo uu marayay Madaxweyne Xasan iyo Khasaaro ka dhashay

Qarax xooggan oo nuuca miinada hareeraha waddooyinka la dhigo ayaa barqonimadii maanta ka dhacay laamiga Ceel Gaabta ee degmada Xamar Jajab, waxaana qaraxan la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lagu qariyay guri dabaq ah hoostiisa oo kuyaalla laamiga Ceel Gaabta, waxaana waddada qaraxa ka dhacay la sheegay in ay u xirneed Madaxweyn e Xasan Sheekh oo halkaasi marayay kuna sii jeeday farumaha hore ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah misana la sheegay in uu ahaa nin dukaan ku lahaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa geeriyooday, dad kalana waxaa la sheegay in dhaawacyo soo gaareen, dhismaha uu qaraxa hoostiisa ka dhacay ayaa iyana la sheegay in burbur soo gaaray.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska iyo nabadsugidda ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaanno ku aadan qaraxan sida uu u dhacay , iyaga oo baaraya kaamirooyinka halkaasi kuyaalla.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo loogu deeqay 17 milyan oo dollar iyo arrin deg deg ah oo wax looga qabanayo

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Col. Shuute & Wasiiro xal raadin ah oo gaaray degmada Baraawe

Caydiid Ali

Booliisa oo shaaciyay khasaaraha qaraxii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---