Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameyneysa khasaaraha ballaaran ee Al Shabaab lagu gaarsiiyay degmada Jilib, kaddib markii ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ay beegsadeen goobo ay halkaasi argagixisadu ku lahayd, lagana soo maleegayey shirqoolada iyo dhibaateynta shacabka.
War saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in cadowga kooxda Al Shabaab lagu gaarsiiyay duqeyntaasi khasaaro xooggan, iyagoo si dadban u qiraya jabkaasina ay xubno ka tirsan argagixisada ka soo muuqdeen baraha bulshada.
Dowladda warka ay soo saarray ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkii dhinaca cirka ah ee dhawaan saaxiibada caalamka ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe, halkaas oo ah xarunta ugu weyn ee Al Shabaab.
Weerarka ka dhacay magaalada Jilib ayaa qeyb ka ah hawlgalo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku beegsaneyso haraadiga kooxaha argagixisada ee Al Shabaab , kuwaa oo la rumeysan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan meelo kooban oo dalka ka mid ah.
Shacabka ku nool Degmada Jilib iyo goobaha kale ee argagixisadu gabbaadka ka dhiganayaan ayaa waxaa mar kale loogu baaqayaa inay ka fogaadaan goobaha cadowga lagu beegsanayo si loo baajiyo khasaare dadka rayidka soo gaara.
Ciidamada Qalabka Sida ayaa guulo badan ka soo hoyay dhowaan dagaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo Degmada Jilib oo argagixisadu ka soo maleegaan shirqoolada nabadda lagu carqaladeynayo ay bartilmaameed koowaad u tahay Ciidamada Dowladda.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com