Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal caan ahaa oo kasoo goostay Daacish oo isaga oo meyd ah la arkay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish, balse bil kahor isku soo dhiibay ciidanka Puntland ee dagaalka ka wada buuraha Calmiskaad.

Laahoor , ayaa la sheegay in saakay aroortii hore meydkiisa laga helay qolkii uu kaga xirnaa xabsi ku yaalla xerada ciidanka PMPF ee magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in ninkan isaga oo caafimaad qaba seexday , balse la arkay saakay  isaga oo meyd ah oo dul saaran sariirtiisa.

Maamulka Puntland ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin geerida ku timid sargaalkan horey uga tirsanaa kooxda Daacish ee hadda lagula dagaallamayo buuraha Calmiskaad, waxaana la sheegay in socdaan baaritaanno la xariira sababta keentay geerida sargaalkan .

Cabdiraxmaan Laahoor, ayaa horey maxkamadda ciidamada Puntland waxa ay ugu riday xukun dil ah, kaddib markii lagu helay in uu katirsanaa saraakiisha kooxda Al Shabaab, gaar ahaan kuwa qaabilsanaa dilalka gaadmada ah, waxaana lagu eedeeyay in uu maleegay dilal dad badan loo geestay.

Ninkan ayaana xukunka kaddib ka baxsaday magaalada Boosaaso, isagoona galay buuraha gobolka Bari ay ku sugnaayeen kooxda Daacish, Laahoor ayaana 3-dii bishii hore ee Febraayo isku soo dhiibay ciidamada Puntland, kaddib markii uu bilowday howlgallo lagu soo afjarayo kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

DEG DEG: War Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Garowe & Xassan Shiikh oo loo digay

Caydiid Ali

Guddoomiyaha guddiga Xalinta Khilaafaadka oo kahor yimid Xildhibaannada lasoo xulay shaacana ka qaaday in…

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ay joogeen Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---