Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khasaaro geestay oo saakay ka dhacay gudaha Muqdisho

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkan la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo khilaaf soo kala dhax galay.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa ka dhacay  xaafada Sanca, dhanka Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalkan u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska  iyo ciidamo kale oo iyana katirsan sirdoonka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in dagaalka uu socday daqiiqado kooban, labada ciidan ayaana hubkii ay wateen isku adeegsaday dagaalka, waxaana aagga dagaalka uu ka dhacay dadkii deganaa lasoo darsay xaalad cabsi iyo jahwareer badan.

Inta la xaqiijiyay dagaalka waxaa ku geeriyooday saddex qof oo la sheegay in labo kamid ah kamid ahaayeen askartii dagaalka uu dhax maray, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay dhowr qof oo kale oo isugu jira askar iyo shacab .

Dagaalkan dhax maray ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda la ogeyn waxa sababay, mana jiro wax war ah oo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga kasoo saareen dagaalkan dhaliyay khasaaraha kala duwan ee Muqdisho ka dhacay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Maamul goboleedyada oo ka cararaya Hanjabaada dowlada Mareykanka

Cabdi Cade

Israa’iil oo shaqaale badan ka qaadaneysa Kenya iyo Mushaarka la siinayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---