Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo Muqdisho keenay Diyaarado dagaal oo casri ah iyo Al Shabaab oo…

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Diyaaradahan Turkiga keeneen Muqdisho oo ah kuwa casri ah ayaa magacooda lagu sheegay Akinci , diyaaradahan ayaana ah kuwa aan duuliyaha laheyn, waxa ayna awoodaan midiiba in ay xambaartp culeys aad u xoogan oo dhan 1,500 kg oo bambaano ah.

Wararka aan heleyno ayaana sheegaya in diyaaradahan loogu tala galay in dhinaca hawada ka taageeraan ciidanka Soomaaliya oo dib u bilaabaya howlgallo balaaran oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo awood cusub lasoo baxday lana wareegtay deegaanno badan oo Shabeelaha Dhaxe katirsan.

Diyaaradahan casriga ah ayaa la sheegay in ay xambaari karaan gantaalada halista badan ee SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo gantaalada Bozok, iyo bambooyinka MK-82, waxa ayna diyaaradahan qeyb weyn ka qaadanayaan soo afjarida kooxda Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo mar kale bilaabaya howlgallo xooggan ayey diyaaradahan kor ka caawin doonaan, waxa ayna diyaaradahan si joogta ah duqeymo ugu garaaci doonaan goobaha Al Shabaab looga shakiyo.

Dowladda Turkiga , ayaa horey marar badan ciidanka xoogga dalka uga caawisay dagaalka ka dhanka ah  Al Shabaab, waxa ayna Turkiga diyaarado aan duuliya laheyn marar badan ku weerartay goobo ay kooxda Al Shabaab ku sugnaayeen.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay safiirada Midowga Yurub ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciyaartoy si dirqi ah uga bad baaday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Al Nuur

Cabdi Cade

Farmaajo oo  qaabilay Guddigii Soomaaliya ku matalayay Kiiska Baddeena (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---