Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo lagu shubay dhiig badan oo Itoobiyaan ah iyo danta laga lahaa!

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan” ayuu si kaftan leh u yiri Amabasadoor Wondomu Asamenew safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo 12-kii sano la soo dhaafay ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland waxa uu ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhawacay kaddibna waxaa lagu soo daaweeyay Addis Ababa.

Sida uu sheegay safiirka Itoobiya, Wondomu Asamenew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayey ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano ka hor markii ay Soomaaliya soo galeen. Xiligaas waxa uu ka mid ahaa Al-shabab.

Mareykanka iyo Itoobiya way raadinayeen. Mareykanka waxay ku dareen liiskooda buugga madow. Weerar cirka ah oo Mareykanku qaadeen ayuuna ku dhaawacmay.

Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday waxay sheegeen in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dilaan balse u ahaa in ay qabtaan sidaasina waxaa BBC-da u sheegay korneel Gebre Ikbar Alemseged oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada soo qabtay.

Axmed Madoobe waxa uu ahaa taliye ka horyimid ciidamadii Itoobiya ee soo galay Soomaaliya si ay u taageeraan dowladii kumeel gaarka ee Soomaaliya.

Taliska Raaskambooni waxaa sameeyay ururkii Al-itaxaad balse maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militeri.

Axmed Madoobe ma aheyn oo kaliya mas’uul weyn oo ka tirsan Al-shabaab ee sidoo kale mar ayuu ahaa qofka labaad.

Axmed Madoobe waxa uu 1980-maadkii ku biiray ururka Al-itaxaad oo ah ururka dhalay Al-shabaab. 2006-dii ayey aheyd markii Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay maxkamadaha Islaamka qabsadeen.

Qaar ka mid ah xubnaha maxkamadaha Islaamka waxay doonayeen in ay dhisaan garab mintid ah iyagoo aaminsanaa in isbahaysiga maxaakiinta aysan dhab ka aheyn in jihaad la qaado kaddib sidaas ayaa lagu sameeyay Al-shabab. Axmed Madoobe waxaa loo doortay ku xigeenka ururka.

Korneel Gebre Ikbar Alemseged waa sarkaalka markii la qabtay isagoo dhaawac ah Axmed Madoobe geeyay Addis Ababa.

“Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbijab ah”, ayuu yiri korneel Gebre Ikbar Alemseged.

Korneelka waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka horkacayay laga soo bilaabo jubooyinka ilaa iyo Baydhabo.

Janaraal Gebre Dilla iyo korneel Gebre Ikbar oo ahaa taliyayaashii hoggaaminayay ciidamada Itoobiya ayaa sameeyay howlgal guuleystay oo lagu qabtay Axmed Madoobe.

“Waxaa nalagu amray in aan soo qabano oo aanan dilin” ayuu yiri korneelka oo intaas ku daray. “waxaan ku dadaalnay in aan qabano isagoo nool, wuxuu dagaallamayay ilaa uu ka dhaawacmo”. Ugu dambeyn Axmed Madoobe 8 xabadood ayaa ku dhacday waana la qabtay. Waxaa si halis ah loogu dhawacay magaalada Bardaale.

Sida korneelku sheegay kaligii ayaa ka badbaaday 8 nin oo dagaalka kula jirtay. Kornelka waxa uu sheegay in uu aha sida qof dhintay xiligaas. Isagoo u dhexeeyay geeri iyo nolol ayaa loo qaaday Addis Ababa.

“Aniga ayaa ku qaaday helikobtar oo geeyay Addis Ababa” ayuu yiri korneelka. Xiligaas wargeyska ka soo baxa Koonfur Afrika Mail iyo Guardian waxay qoreen in Itoobiya ay soo bandhigtay dhaawac Axmed Madoobe.

Xiligaas ragii la dilay waxaa ka mid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha fakarka Al-qaacida ee Bariga Afrika. Al-Sudani wuxuu aad ugu dhawaa Osama bin Laden, wuxuuna khabiir ku ahaa sameynta qaraxyda. Mareykanka si weyn ayey u doonayeen.

Korneel Gebre Egziyari iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya.

Raysal wasaare Meles Zenawi ayaa sheegay in madaxda maxaakiimta intooda badan ay ka soo jeedaan ururkii Al-itixaad kaas oo dalkiisa khatar ku ahaa.

Ururka Al-itixaad ayaa weeraro ka fuliyay gudaha Itoobiya sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sagaashamaadkii kaas oo ay ku dhinteen 15 qof. Sidoo kale weerarada ay qaadeen waxaa ka mid ahaa kii lagu dili rabay 1996-dii wasiirkii gaadiidka Itoobiya, Cabdulmajiid Xuseen.

Labo sano kaddib ciidamada Itoobiya waxay Soomaaliya ka baxeen 2009-kii iyagoo sheegay in ay burburiyeen khatarta argagixisada. Inkastoo isbahaysigii maxkamadaha uu dhalay Al-shabaab oo awood hor leh noqday.

Saddex bilood kaddib qabashadii Axmed Madoobe waxaa sidoo kale la qabtay hoggaamiyihii Al-shabaab Ismaaciil Carraale. CIA-da Mareykanka ayaa ka qabtay Jabuuti isagoo xiligaa doonayay in uu galo dalka Ereteriya. Waxaa lagu xiray Guantanamo Bay. Waxaa la sheegay in Ismaaciil xabsiga lagu jirdilay. Al-shabab degdeg ayey uga jawaabtay qabashada madaxdeeda. Waxay magacaabeen madax kale.

Mudadii Axmed Madoobe uu Joogay Addis Ababa

Axmed Madoobe oo dhaawiciisa halis ahaa waxaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada ee Addis Ababa. Daaweyn degdeg ah ayuu helay.

“Dhiig badan oo dad Itoobiyaan ah leeyhiin ayaa lagu shubay” ayuu yiri safiirka isagoo dhoolacadeynaya, wuxuu sharaxay dhiiga lagu shubay oo ay ku deeqeen dad Itoobiyaan ah.

“Dhiig Itoobiyaan ah ayaa ku jira, geeri ayaa laga soo badbaadiyay, dadaal badan ayaa la sameeyay si uusan u dhiman”.

Labo sano ayuu joogay Itoobiya. “Inkastoo ay ku adag tahay hadana wuu ku hadli karaa afka Axmaariga” ayuu yiri safiirka.

Warbaahinta waxay sheegtay in uu xirnaa balse korneelka iyo safiirka way beeniyeen iyago osheegay in aysan taasi jirin.

“Ujeedkeenu wuxuu ahaa in aan ka dhigano saaxiib isbahaysi nala ah ee ma aheyn maxmuus. Arrinta Soomaaliya laguma xalin karo xarig” ayuu yiri safiirka.

Korneelka wuxuu sheegay in Axmed Madoobe lahaa cadow badan sidaasi darteena la difaacay.

“Reer iyo qoys la yaqaan ayuu ka dhashay, waa waalaalkeen ee ma aheyn maxbuus”

Kaddib markii la daaweeyay, Axmed Madoobe waxaa la dajiyay hoteel, si xor ah ayuuna magaalada u marayay. Sida korneelku sheegay xiligaas haweeney ayuu ku guursaday Itoobiya. “Dhabtii cunug ayaa loo dhalay”,

Ujeedka ugu weyn ee Addis Ababa u joogay Axmed Madoobe waxay aheyd in la beddelo jihadiisa.

Hoggaanka sare waxay dadaal ku bixiyeen in laga horkeeno Al-shabaab ama isabahaysi laga dhigto ayuu yiri korneelka.

Joogto ayuu ula kulmi jiray raysalwasaare Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo sidoo kale wasiirka caafimaadka Tedros Adhanom.

“In laga saaro fakarka xagjirnimada ma sahlaneyn” ayuu yiri korneelka oo intaas ku daray “Axmed Madoobe wuu ogolaaday fakarka isagoo sheegay in ay sax tahay”.

“Waa saaxiibkeen, si weyn ayaan u jecelnahay”

Axmed Madoobe ilaa markii Itoobiya lagu daaweeyay wuxuu ahaa saaxiib aad ugu dhaw Addis Ababa. Sidoo kale wuxuu saaxiib la noqoday Kenya. Itoobiya iyo Kenya taageero weyn ayey ku bixeen sidii uu ku noqon lahaa madaxweynaha Jubaland.

Mareykanka waxay doonayeen in loo soo dhiibo balse itoobiya ma dooneyn taas.

“Itoobiya ma dooneyn in la dilo ama la xiro” ayuu yiri korneelka

Maxay Mareykanka u doonayeen Axmed Madoobe

Mareykanka waxay weerareen dalal badan kaddib weeraradii dhismooyinka mataanaha ee New York. Lix sano kaddib geeska Afrika waxay ku qaadeen weeraro ay ku dileyso ama ku qabaneyso madaxda sare ee Al-qaacida. Waxay bartilmaameed ka dhigtay ururka Al-itixaad.

Ururkaas waxaa sameeyay Bin Laden oo ahaa markaas ganacsade Sucuudiyaan ah oo fadhiguus ahaa Sudan. Mareykanka waxay beegsaneyeen cid kasta oo xiriir la laheyd ururkaas.

Axmed Madoobe markii uu ka soo kabtay dhaawaca waxa uu yimid Jabuuti halkaas oo lagu qabtay shir laysugu keenay dhammaan kooxaha soomaaliya si loo dhiso dowlad qaran. Ururka IGAD ayaa kaalin weyn ka qaatay shirkaasi.

Korneel Gebre shaqadiisa waxay aheyd in uu ka dhaadhiciyo madaxda Soomaaliya in Axmed Madoobe uu qeyb ka ahaado shirkaas. Gabre xiligaas wuxuu joogay Jabuuti isagoo ahaa wakiilka Itoobiya ee IGAD.

Axmed Madoobe wuxuu ka mid noqday xildhibaanada baarlamaanka, wuxuuna toos u aaday Kismaayo. Muddo kooban ayuu xildhibaan ahaa.

Safiirka wuxuu sheegay in xiriirka kala dhexeeyay Axmed Madoobe in uu ahaa mid ay dan ugu jirtay labada dhinac.

Xiriirka Itoobiya iyo Axmed madoobe wuu sii xoogeytay markii uu yimid raysalwasaare Abiy.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay Mr Erik lundberg (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Turkiga oo soo saaray Mid ka mid ah taangiyada dunida ugu casrisan

Caydiid Ali

Xamse & xubno kale oo boqolaal shacab ah kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---