Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo arxandarro ah ku socda Gasa iyo dad ka badan 200-qof oo la dilay

Diyaaradaha dagaalka iyo taangiyada Israa’iil ayaa duqeymo culus oo arxandarro ah ku garaacaya magaalada Gasa ee dhulka Falastiin, waxa ayna halkaasi ku xasuuqayaan shacabka reer Falastiin ee wali ku sugan qeybo kamid ah magaalada la burburiyay ee Gasa.

Dadka la xaqiijiyay ilaa hadda in duqeymaha Israa’iil ku garaaceyso magaalada Gasa lagu dilay ayaa kor u dhaaftay dad ka badan 200-qof oo shacab ah, waxaa sidoo kale duqeymaha ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oon heli karin gargaar caafimaad.

Ururka Xamaas, ayaa sheegay inuu Netanyahu burburiyay heshiiska xabbad-joojinta Qasa, xilligaana ay wajahayaan maxaabiista Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan xaalad hubanti la’aan ah, iyagoo dhexdhexaadiyayaasha ugu baaqay inay si dhaqso ah xaaladan usoo farageliyaan.

Wasiirka difaaca maamulka  Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in dagaalka ay ku qaadeen magaalada Gasa ay sii wadayaan ilaa ururka Xamaas ay kasii deynayaan dhammaan maxaabiista Israa’iil ee gacanta ugu jira, waxa uuna caddeeyay in dagaalka soconayo ilaa ay ka gaarayaan dhammaadka yoolka dagaalka.

Duullaankan cusub iyo duqeymaha Israa’iil ku qaaday magaalada Gasa , ayaa imaanaya xilli uu burburay heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas, waxaana hadda xaalad halis ah wajahaya maxaabiista Israa’iil ee ku jira gacanta kooxda Xamaas.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha TPLF oo digniin kama dambeys ah siyey dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo Somalia keentay ciidamadii sugi lahaa doorashada 2021 (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo lagu dilay duleedka Magaalada Cape town (Magaciisa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---