Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Putin uga jawaabi doonaa dalabka Mareykanka ee arrimaha Ukraine ?

Sannadihii uu xukunka hayay, Putin waxaa adkayd in la saadaaliyo tallaabooyinka xiga ee uu qaadayo.Waxaa lagu bartay oo ku jirta diiwaanka taariikhda inuu mar kasta soo bandhigo waxyaabo ka yaabiya cidda gorgortanka uu kula jiro! Waa waxa uu sameeyay markii uu la kulmay cambaarayn gudaha ah taasoo ku kalliftay inuu ku dhawaaqo abaabul ballaaran oo ka dhan ah dagaalka Ukraine,waxayna ahayd tallaabo uu ku aamusiyay, cododkii ka soo horjeeday!

Marka uu qaaday dagaalka, waxay qof walba ula muuqatay inuu Putin ku hoggaamiyay Ruushka, dagaal lagu daali doono, laakin fikrada ah howlgal milatari oo gaar ah, waa wax aan horey loogu arag dagaallada dunidda ka dhacay, kaddib duullaankii Ukriane, waxaa soo baxay reer galbeedka, iyaguna waxay isku dayeen inay daaliyaan Ruushka oo ay burburiyaan dhaqaalihiisa, laakin si dhaqso leh Putin ayaa dagaalka ugu rogay mid istaraatiji ah, halkii uu ka ahaan lahaa dagaal milatari, sida bilowgii loo arkay inuu ku dhawaaday caasimadda Ukraine, balse mar kale dagaalka lagu soo celiyay gobollada xadduuda,waxay ahayd istaraatijiyad shaqeysay, waa halkii uu Ruushka daalin lahaa, wuxuu u rogay inay Ukraine daasho oo Mareykankana uu beddelo mowqifkiisa, taasi waxay dhacaysa xilli uu Ruushka guul istaraatiji ah ka gaaray dagaalka oo uu qabsaday dhul badan oo muhiimad u leh Ukraine!

Maxay yihiin waxyaabaha miiska u saran Putin ee ay tahay inuu kala doorto?

Putin wuxuu hadda wajahayaa laba doorasho; midkood, waa inuu diiddo soo jeedinta Maraykanka ee ay ku heshiiyeen Reer Yurub iyo Ukrain, taasoo ka dhigan in dagaalku isku beddelo mid u dhexeeya isaga iyo Trump, ama inuu aqbalo xabbad-joojin 30 maalmood ah oo siineysa Zelensky fursad uu dib ugu soo celiyo xiriirka iyo taageerada xulafadiisa reer Galbeedka.

Laakiin waxaan qiyaasayaa Puti inuu qaadi doono waddo saddexaad. Taasoo ah inuu marka hore qaato hindisaha Maraykanka ee Ingiriisku soo diyaariyay asaga oo kaa shanaya xulafada galbeedka, ka dibna, marka labaad, uu carqaladeeyo ,isagoo miiska soo saaraya shuruudo waqti dheer ah oo dammaanad qaadaya ammaanka Ruushka iyo xasillooni istraatiijiyadeed.

Shuruudahaan waxay noqon doonaan kuwo adag oo dhib ku noqda Zelensky iyo reer Yurub, waxyna noqon doonaan kuwo faahfaahsan, taasoo la micno ah inay kor joogteeyaan habraacyada la socodka xabbad-joojinta, iyo hurinta khilaafaadka u dhexeeya Zelensky iyo xulafadiisa, kuwaasoo horeyba uga cabanayay culayska codsiyadiisa tirabeelka ah ee uu gargaarka ku dalbanayo.

Laakiin intaas ka hor, waxaa jira tallaabo aad u muhiim ah;

Waxaa soo baxay Putin oo xiran dharka milatariga, waa xaalad aan horey loogu arag muddada uu dagaalka socday , wuxuuna tagay furinta hore ee gobolka Kursk, isagoo saraakiisha milatariga ku amray inay soo gabagabeeyaan howlgalka Kursk, sida ugu dhaqsaha badan.Sidaas darteed, madaxweynaha Ruushku wuxuu rabaa inuu kaarka Kursk kala baxo gacanta Reer Galbeedka, kahor inta uusan oggolaan xabbad-joojinta 30 maalmood ah taas oo ah mid shuruud ku xiran. Xaaladan waxay cabsi gelisay ciidanka Ukraine oo hadda u muuqda kuwa badbaadinaya naftooda, waxayna isaga baxeen ku dhawaad dhammaan gobolka Kusrk. Waxa xiga waa in hadda uu Putin ku laabanayo miiska si uu u dijo istaraatijiyad cusub oo ku billaabanaysa inuu oggolaado hindisaha Trump, isagoo gacanta uga dhigay xulafadiisa kaarka ugu muhiimsan, tallaabada xigta ee aan ka filan karno waa inuu la imaanayo shuruudo cusub oo khilaaf ka dhex dhaliya reer galbeedka , oo hadda ku sugan marxalad ay xaalad kasta u nugul yihiin!

Waxaa jira wada-hadal telefoonka ku dhacaya oo ay toddobaadkan yeelanayaan Trump iyo Putin, markaa waxaan arki doonaa mowqifka Putin.

Laakiin arrintu intaas kaliya kuma eka, Ruushku ma doonayo inuu ka dheeraado Shiinaha, mana doonayo inuu lumiyo xiriirka uu la leeyahay Iran.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Baledweyne Musharax iyo dad kale oo ku dhintay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sweden oo Duulimaad Sirdoon ka samaysay meel u dhaw xuduudka Raashiya

Cabdi Cade

Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas Xoogan oo la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---