Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal faraha looga gubtay oo dhexmaray ciidanka Puntland & Daacish

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta mar kale galay dagaalkii ugu adkaa oo ay Daacish ku difaacanayaan saldhiga ugu weyn ee ay Calmiskaat ku leeyihiin oo ah Miiraale, halkaasoo uu maanta uu dhan ka socday dagaal qaraar oo faraha looga gubtay

Sida ay sheegtay Puntland In ka badan 15 ajaaniib ah ayaa lagu dilay dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa ee dhexmara labada dhinac iyadoo dagaalka uu yara qaboobay ka dib Roob xoogan oo agagaarka oo dhan ka da’ay.

Miiraale, Daacish wuxuu uga dhigan yahay halkii u dambeysay oo ay ku dagaalamayaan, gaar ahaana waa ka muhiimsan yahay Wangable oo xaasas iyo caruur ay dhigeen.

Ma jiro gaadiid dagaal oo la isticmaali doono maalmahan dagaalada adag loo diyaargaroobayo, kaliya qoryaha gacanta lagu qaado ayaa lagu dagaalamayaa, ciidamada ayaana afar jiho kaga wajahan Miiraale oo Daacish ay si adag  jilibka ugu dhigtay.

Dagaalka maanta ayaa sidoo kale waxaa khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray askar ka tirsan ciidamada Puntland inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin waxaa askarta geeriyootay wiil uu dhalay Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Aadam Cabdi Xaashi.

Related posts

Maraykanka oo Kuuriya woqooyi u balan-qaaday Barwaaqo, haddii ay fuliso shuruud kaliya

Caydiid Ali

Xaaska Mugabi oo lagu tuhmayo qaraxii uu ka bad baaday Madaxweyne Emmerson

Cabdi Cade

Masjid ay dhiseen asxaabtii Nebiga NNKH oo waxyeelo ka soo gaartay dagaalkii Tigray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---