Allbanaadir.com
NEWS

Boolis loo diray jiidaha dagaalka oo Muqdisho ka ambabaxay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Al shabaab.

Ciidamadan oo tiradooda an la sheegin ayaa u ambabaxay degaano ka tirsan Sh/dhexe oo ay ku dagaalamayaan ciidamada DF oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al shabaab weeraro soo qaaday

“Khawaariijta Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad

Ciidamada Boliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin iney ka qeyb qaataan dagaalka sida nuu sheegay taliyaha.

Waa markii ugu horeysay muddo sanado ah ee ciidamada Booliska laga qeyb gelinayo dagaalka toos ah ee Al shabaab, iyadoo shaqada rasmiga ah ee Booliska ay tahay sugida amaanka.

Ciidamo ka asluubta oo loogu talo galay iney ilaaliyaan xabsiyada ayaa maanta gaaray jiidaha dagaalka oo loo diray, waxaana talaabadan ay DF Booliska iyo asluubta ugu dirtay dagaalka lagu fasiray culeys xoogan oo ciidanka milateriga ka soo food saaray dagaalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Labo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay  Donald Yamamota (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax laga maqlay magaalada Kabul xili Madaxweyne Biden Digniin soo saaray

Cabdi Cade

Jeneraal Diyaano oo tallaabo qaaday kaddib amni daro soo korortay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---