Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo saacadaha soo socda qaadaya talaabo xasaasi ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu beri safar ku tagayo furumaha dagaalka sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Warka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu tagayo gobolka Sh/dhexe oo ay ka socdaan dagaalo culus oo dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa Al shabaab oo duulaan balaaran ku soo qaaday degaano sanadkii hore laga saaray.

Safarka Madaxweynaha wuxuu diiradda saarayaa xoojinta ciidamada qalabka sida iyo taageerada dadka deegaanka ee dagaalka kula jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale kulamo la yeelanayaa hoggaamiyeyaasha ciidamada iyo masuuliyiinta amniga si loo xaqiijiyo guulaha lagu gaarayo dagaalka.

Waxaa gobolkaas horey ugu sugnaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yusuf Raage, Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Col Shuute iyo saraakiil kale oo halkaas ka wada abaabulka iyo hogaaminta dagaalka.

Lama oga in Madaxweynaha uu halkaas ku sii sugnaan intii muddo ah iyo inuu isla beri dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho.

Related posts

Faahfaahin: Iska horimaad dhimasho geystay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Mareykanka oo isku keenaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo qabtay Burcad hubeesan iyo kooxo Maandooriye Iibinayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---