RW xilka ka dagay ee dalka Canada Trudeau ayaa horey u sii qaatay kursigii xafiiska ee uu ku fadhiyey mudadii uu xilka hayey
Waa sawir la yaab leh oo muujinaya Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo Xafiiskiisa ka sii baxaya isaga oo sita kursigii uu ku fadhiyey.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Canada, ayaa baraha bulshada ku faafiyey muuqaal yaab leh oo ka soo baxay Baarlamaanka Canada, kadib markii uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha cusub, Mark Carney, si uu u bilaabo xil wareejinta.
Waxa uu u muuqday mid sitay kursigii Baarlamaanka ee uu ku fadhiyey, carrabkiisana dibada ayuu u soo saaray si jeesjees ah, isagoo Muujinaya farxada dhamaadka shaqadiisa, iyo in uu ugu soo dhamaaday doorkii uu ku lahaa maamulida Canada si habsami lehna awooda u wareejiyey. iyadoo arintani Waxay dhalisay ka falcelin baahsan oo layaab leh !
Talaabadan ayaa la sheegay iney tahay Sharci u yaalla Canada in madax walba oo soo marta ay kursiga ay ku fadhiyeen horey u qaataan, kan cusubna uu kursigiisa la yimaado.