Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo dadka, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradaha iyo hey’adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso.