Rwanda ayaa xiriirka diblomaasiyaadeed u jartay dalka Belgium, waxaana la faray dhammaan diblomaasiyiinta dalkaas ee ku sugan Rwanda inay isaga baxaan.
Dawladda Rwanda ayaa amar ku bixisay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay dalkeeda kaga baxaan dhammaanba Diblumaasiyiintii dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub.
Arrinkan ayaa ka dhashay ka dib markii Rwanda ay ka carootay  eedo loo jeediyey kuwaassoo salka ku haya in Kigali joojiso taageerada ay siiso jabhadda M23 ee ka dagaallanta bariga dalka Congo taasoo muddooyinkii la soo dhaafay qabsatay goobo badan.
Rwanda ayaa marar beenisay iney taageerto jabhadda M23Â oo u dagaalanta xuquuqda dadka ka soo jeeda qowmiyada tutsiga ee ku dhaqan bariga Congo.
War saxafadeedka oo dhammesytiran hoos ka akhriso.