Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahay laguna tayeynayo hey’adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara.
“Xukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha hey’ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahay”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ayaa waxaa diyaariyey in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaanna uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban kari shanta ee soo socota.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com