Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir, halka kuwa kalana uu boosaskooda isku beddelay.
Xubnaha ay sida weyn u saameysay isku shaandheynta lagu sameeyay golaha Wasiiradda , waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo sanado kaddib laga wareejiyay booskaasi, waxaana hadda laga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.
Sida aan xogta ku helnay dowladda Mareykanka ayaa sabab u aheyn in Wasiirka Gaashaandhigga la beddelo, kaddib markii marar badan saraakiil Mareykan ah cabasho ka muujiyeen la shaqeynta Wasiirka Gaashaandhigga oo curyaamiyay Wasaaradda sababna u noqday guuldarooyin badan.
Mareykanka ayaana ku cadaadiyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu Wasaaradda Gaashaandhigga ka beddelo Cabdiqaadir Maxamed Nuur, waxa uuna Madaxweynaha muddo kaddib aqbalay cadaadiska dowladda Mareykanka oo muhiim u ah taageerada ciidanka qalabka sida.
Ilo Diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ka caga jiidayeen howlaha taakuleynta ciidanka ee dhanka la dagaalanka Argagixisada, sababo ku aadan wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysay Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur .
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya , ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, waxa uuna ninkan kamid yahay xubnaha uu sida weyn u aaminsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh aadna u taageera sii joogta Madaxweyne Xasan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com