Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Isra’il oo diiday go’aan kasoo baxay Natenyahu iyo khilaaf xun oo taagan

Hay’adaha sirdoonka iyo amniga Israa’iil ayaa hadda ka horyimid go’aamada Netanyahu ,iyagoo ku sheegay inuu khadka cas ka gudbay, kaddib markii Netanyahu uu ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday madaxa hay’adda adeegga amniga guud ee Israa’iil (Shin Bet), Ronen Bar — waxaa xil ka qaadista ka soo horjeestay Ronen Bar, oo sheegay in uu xilka sii heyn doono inta uu ka dhameynayo howsha soo celinta dhammaan maxaabiista, isagoo markaa ku eedeyay Netenyahu , fashil iyo guul-darro!

Netanyahu ayaa toddobaadyadii u dambeeyay usoo jeediyay inuu is casilo , Ronen Bar, si uu xilka madaxa Shin Bet oo ah hay’adda maamusha howlgallada milatariga Israa’iil iyo wada -xaajoodyada xabbad-joojinta ugu magacaabo xubno isaga ku dhow oo hirgelin kara qorshaha barakicinta dadka Qasa.

Khilaafka wuxuu ka dhaliyay gudaha Israa’iil bannaanbaxyo , halka siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaashii hore ee hay’adaha sirdoonka iyo amniga ay diideen habdhaqanka Netanyahu illaa madaxii hore ee hay’adda Shin Bet, Nadav Argaman uu dacwad ka gudbiyay Netanyahu , waxaa kaloo uu ku hanjabay inuu sir badan iyo wadahadallo gaar ah oo dhex maray isaga iyo Netanyahu bannaanka soo dhigo doono , markaa oo sidoo kale uu ku baaqay in si deg deg ah loo soo afjaro dagaalka Qasa, si dib loogu soo celiyo maxaabiista Xamaas gacanta ugu jira!

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil Naftali Bennet ayaa sheegay in Israa’iil aysan soo kaban doonin haddii uusan Netanyahu is casilin, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in madaxda ciidamada, sirdoonka, Shin Bet iyo wasiirka gaashaandhigga ay ku fashilmeen oo ay mas’uuliyadda qaadeen, Netanyahuna uu ka baxsanayo mas’uuliyaddiisa.

W/T Iman Jamac

Related posts

Mid ka mid ah dhalinyaradii laga soo tarxiilay Maraykanka oo qaraxii shalay ku baxay

Caydiid Ali

Saraakiil ciidan oo geed hoostiisa kula hadlay shacabka magaalada Xagar (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoyska Taliye Shaah-macabe oo codsi muhiim ah u diray madaxweybne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---