Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka dhacay buuraleyda Xabley iyo howlgal saakay socda

Dagaal  xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada difaaca maamulka Puntland iyo dabley hubeysan oo katirsan kooxda argagaxisada ah ee Daacish , ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley ee katirsan degmada Ufeyn ee gobolka Bari.

Saraakiisha ciidamada Puntland ,ayaa sheegay in koox firxad ah oo katirsan Daacish xalay dagaal la galeen ciidamada difaaca Puntland, waxa ayna sheegeen saraakiisha in dagaalkaasi ku jabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday kuna gaarsiiyeen khasaarooyin badan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in la dilay inta badan kooxdii weerarka xalay kusoo qaaday ciidamada difaaca Puntland, waxa ayna intaa ku dareen ciidamada hub kala duwan ka furteen kooxda firxadka ah ee xalay soo weerartay.

Ciidamada difaaca Puntland, ayaa saakay howlgallo kawada aagga xalay dagaalka ka dhacay, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan dableydii ka hartay kooxdii xalay weerarka kusoo qaaday fariisimihii ay joogeen.

Puntland , ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada Puntland la wareegeen saldhigyo iyo goobo muhiim ah oo buuraha Calmiskaad kaga sugnaayeen kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Bandhig Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo magacaabay Guddi soo diyaariya sharciga doorashooyinka (Akhriso)

Cabdi Cade

Puntland oo si kulul u beenisay Eedeyn culus oo uga timid maamulka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---