Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo saddex arrin oo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya oo muddooyinkii lasoo dhaafay mugdi ku jiray.

Wadahadalka ay yeesheen Trump iyo Erdogan ayaa intii uu socday waxa ay sidoo kale uga wada hadleen  arrimo ay ku jiraan xaaladda Suuriya oo uu ka dhacay isbadal weyn uu sabab u ahaa Turkiga iyo sidoo kale  joojinta dagaalka dalka Ukraine ka socda.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka codsaday Trump inuu ka qaado cunaqabateynta CAATSA oo ah sharci cunaqabateyn oo heer federaalka ah, dhammeystirka heshiiska uu Turkiga ku helayo diyaaradda F-16 iyo soo celinaya wada-xaajoodyada uu Turkiga ku helayo diyaaradaha F-35 ee Mareykanka.

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay xiriirkoodu ahaa mid aan wannaagsaneyn, waxa uuna Madaxweynaha dib loo doortay ee Trump doonayaa in mar kale dib usoo celiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya oo xoogaa mugsi soo galay.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muuse Biixi oo xafiiskiisa ka soo saaray wareegto cafis loogu fidiyey..

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho iyo Amiir Faisal bin Abdulaziz oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Somalia oo dalka Azerbaijan kaga qeyb galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---