Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Suuriya.

Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay weerarka dableyda katirsan Xisbullaah ka fuliyeen gudaha Suuriya, waxaana Wasaaradda Difaaca laga soo xigtay in weerarkaasi gaadmada ah Xisbullaha ku dileen saddex askari.

Weerarkan ay fuliyeen kooxda Xisbullaah ayaa ka dhacay dulleedka magaalada Xumus, waxaana aagga weerarka ka dhacay la geeyay ciidamo badan oo katirsan kuwa ammaanka Suuriya, kuwaa oo bilaabay howlgallo ka dhan ah kooxda weerarka soo qaaday.

Xisbullaah weerarkan ay ka fulisay gudaha Suuriya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ay kooxdaasi ka geesato gudaha Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Bishaar Al Assad, lamana oga waxa xilligan kusoo beegay weerarka Xisbullaha fulisay.

Dowladda Suuriya , ayaa si buuxda ula wareegtay ammaanka inta badan gobolada dalka Suuriya, waxa ayna dowladda ay hoggaamiyaan kooxaha sunniyiinta heshiisyo la gashay maamulada gobolada qaar ay degan yihiin bulshooyin kala duwan,.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur: ” Umal kama hadlo gabood falka madaxda talada dalka haysa”

Caydiid Ali

Farmaajo oo Lacagtii ugu badneed siiyay Xildhibaanada iyo Musharaxiinta qaar oo iyana lacago badan bixiyay

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo hoygiisa kala baxay Nabadoon caan ka ah Sh/dhexe, ka dibna dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---