Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad Diyaano oo xalay lagu arkay waddooyinka Muqdisho (Sawirro)

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,  ayaa  xalay kormeer shaqo ku maray baraha koontorool ee laga sugo amniga caasimadda Muqdisho, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee Muqdisho.

Kormeerka shaqo ee taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee ciidanka Booliiska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan.

Taliye Asad Diyaano ayaa qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho uu la kulmay u sheegay in ciidamada xilli kasta diyaar u yihiin sidii amnigooda u sugi lahaayeen, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxa ayna saraakiisha ammaanka caasimadda qaabilsan sameeyaan roondooyin joogta ah , si ay ula xisaabtamaan askarta heeganka shaqo ku jira.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iiliyiin dab qabadsiiyay masjid lagu magacaabo Bar al-Walidain

Cabdi Cade

Khayre oo la kulmay Xildhibaannada Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Muuse Biixi & Eng. Waraabe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---