Allbanaadir.com
NEWS

Nin la weysanaa oo Meydkiisa laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qurbajoog ka yimid Ingiriiska uuna dalka u joogay arrimo la xiriira dhaxal sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Geeridiisa ayaa la ogaaday 48 saac kadib, markii Maamulka Hotelka ay shakiyeen, waxaana la jabiyey albaabka qolka uu degenaa markii uu la furi waayey.

Laanta Dambi Baarista (C.I.D) ayaa qaaday meydka marxuumka, waxaana la baarayaa sababta geeridiisa.

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in marxuumka uu xanuunsanaa isla markaana uu isticmaali jiray dawooyin intii uu degenaa hotelka.

Related posts

Somaliland oo qiil u sameysay Guul daradii kasoo gaartay Goojacadde iyo Maxaabiistii…

Cabdi Cade

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Kulankii Dhax maray Xasan Sheekh iyo Amiirka Sacuudiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo War kulul ka soo saaray weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---