Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo weeraray Markabka dagaalka USS Harry S. Truman

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay ku beegsadeen gantaalada ridada dheer ee ballistic-ga ah iyo diyaaradaha dagaal ee aan duuliyaha laheyn markabka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee loo yaqaan USS Harry S. Truman ee ku sugan Badda Cas.

Xuutiyiinta Yemen ayaa  wacad ku maray inay ka jawaabi doonaan weerarrada Mareykanka uu ka gaystay goobaha ay maamullan ee Yemen

War ka soo baxay xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta ayaa lagu xaqiijiyay inay si buuxda ugu diyaar garoobeen nooc kasta oo iska horimaad ay la galayaan Mareykanka iyo xulafadiisa, sida u weriyay telefishinka Al Jazeera.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weeraradii cirka ee ciidamadooda lagu dilay hogaamiyeyaal badan oo ka tirsan Xuutiyiinta gudaha Yemen, iyadoo mar kale uu Aqalka Cad uga digay Iran inay joojiso taageerada ay siiso kooxdaasi oo  weeraro ka dhanka ah maraakiibta maraysa Badda Cas dhowr jeer oo hore geysatay.

Saldhigyada Mareykanka ee Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa la galiyay heegan buuxa kadib markii ay gacan ka geysteen duqeymaha Mareykanka uu ka wado Yemen.

Dalalka Carabta ayaa hada wajihi doona weerarka Xuutiyiinta, Jabuuti ayaa diiday in saldhiga Maraykanku ku leeyahay dalkeeda uu ka qayb qaato weerarka Xuutiyiinta Yemen.

Related posts

Casaam Al Caryaan oo goordhaw la shaaciyay in uu ku dhax geeriyooday Xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Anita Kiki iyo wefdi ay hogaamineysay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay labo Madaxweyne iyo Amiirka Qatar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---