Allbanaadir.com
NEWS

James Swan oo Deni kala hadlay xalinta khilaafka Puntland & DF

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Boosaaso

Swan ayaa kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni yo xubno ka tirsan golihiisa  oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin guulihii ay ciidamada Puntland dhowaan ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Daacish

Waxay sidoo kale ka wadahadleen taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha bini’aadantinimo ee degdegga ah ee kumanaan qof oo barakacayaal ah iyo caawinta dadaallada xasilinta ee deegaannada la xoreeyey.

Dhanka xiriirka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Swan waxa uu xusay inay dani ugu jirto dhammaan ummadda Soomaaliyeed in madaxdoodu ay ku heshiiyaan ujeedooyinka guud ee qaranka, isla markaana ay si wada jir ah isku kaashadaan, oo khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo si nabad ah, oo dan u ah dadaallada nabadda iyo dhismaha dowladnimo ee muddada dheer.

Related posts

Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Somalia oo caawa lagu weeraray Gaalkacyo

Caydiid Ali

Odayaal ‘ka baxsaday ciidan uu usoo diray’ Axmed Madoobe oo ka cararay Kismaayo iyo Wararkii ugu danbeeyay !!

admin

Ra’isul Wasaare Xamse oo furay Shirka bandhigga Dhaqaalaha Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---