Allbanaadir.com
NEWS

Shacab careysan oo gaari Boolis ku gubay Muqdisho ka dib markii..

Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska Somalia ayey dab qabadsiiyeen shacab careysan kaaoo ku gubtay Isgoyska afarta jardiino ee magaalada Muqdisho

Dadka falkan geystay ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin wiil bajaajle ahaa oo goobta lagu dilay ka dib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidanka Booliska

Xaalada ayaa weli kacsan waxayna u muuqataa in loo kala baxay shacab careysan iyo ciidan hubeysan.

Askariga falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday sida wararku sheegayaan waxaana aaga afarta jardiino ee degmada Yaaqshiid ka taagan xiisad iyo gadood dadweyne.

Ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta gaaray ayaa isku dayaya iney soo celiyaan xasiloonida iyo kala dambeynta, waxayna cirka u rideen rasaas si ay u kala eryaan dadka careysan.

laamaha amaanka dowlada ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay darawalka bajaajlaha iyo shaqaaqada ka dambeysay ee ka dhacday goobta dilku ka dhacay.Shacab

Related posts

Cabdimaalik Yuusuf & Xubno kale oo Muqdisho lagu xiray iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Xeer laga soo saaray Lacagaha laga qaadayo Adeegyada Maxkamadaha dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira dagaalkii shalay ka dhacay Gedo lagu dilay Siyaad C/Naasir Cagalaab?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---