Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.
Ugu horeyn Wasaaradda Amniga ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta waxana ay xuseen in guluf xooggan uu weli ka socdo Hirshabeelle kaas oo lagu naafeeyay Khawaarijta iyagoo lagu baacsanayo dhulka howdka ah.
Wasaaraddaha Gargaarka, Caafimaadka, Qorsheynta, Waxbarrashada, Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa soo bandhiggay saameynta dagaalka iyo qaabka ay ula tacaalayaan xaaladdaha soo kordhay.
Wasaaradda Cadaallada ayaa tilmaamtay maxaabiista dagaalka lagaga qabtay Khawaarijta in la marsiin doono hab-raaca sharci ee garsoorka.
Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inuu gabogabo marayo hirgelinta Raadiyaha Dowladda Hirshabeelle oo laga dhageysan doono labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kaas oo qeyb ka noqon doono wacyigelinta iyo baabi’inta fikirka xagjirka a
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa kulanka Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay guud ahaan Haweenka Hirshabeelle oo aagagga dagaalka gaarsiiyay cunto iyo agab kale oo dhiirogelin u ah Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka.
“Hirshabeelle waxa ay heegan ugu jirtaa oo waqtigeeda ugu badan gelineysaa howlgalka dabar-goynta Khawaarijta. Lama siyaasadeyn karo dhiigga muwaadinka naf-bixiyaha ah lagumana qarin karo been-abuur.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray in Golaha Wasiirrada ay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com