Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ka hadashay Duqeyn lagu garaacay guryaha Xasan Yacquub iyo Amiin

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, ayaa lagu bartimaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartimaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Sheeballaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaalyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye sare oo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo caawa lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca

Caydiid Ali

Maxaa kasoo baxay kulan Madaxweyne Xasan la qaatay Siyaasiyiin qorshihiisa diidan ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---