Dowladda Mareykanka, ayaa si adag u beenisay war uu dhawaan sheegay Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, kaa oo ku aadanaa in safaarada Mareykanka ee Muqdisho laga daadgureeyay shaqaalihii muhiimka ahaa ee joogay.
War kooban oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho, ayaa been-abuur lagu tilmaamay warkan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland, waxa ayna Mareykanka sheegeen in shaqada safaarada sideedii ay u socoto.
“Waa been-abuur warbixinaha u danbeeyay ee sheegaya in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho bilowday in ay la baxdo shaqaalaha muhiimka ah” ayaa lagu yiri warka maanta kasoo baxay safaaradda Mareykanka ku leedahay Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa maalmo kahor sheegay in dowladda Mareykanka diblumaasiyiinta iyo shaqaalaheeda muhiimka ah kala baxday magaalada Muqdisho sababo amnaan darteed, isagoo xilligaasi dowladda ku eedeeyay in ay ku fashilantay dagaalka Al Shabaab.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com