Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo dilay sargaal katirsanaa ciidanka dalka Kenya

War kasoo baxay booliiska dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in ciidamo katirsan nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya dil iyo dhaawac u geesteen saraakiil katirsan ciidanka Kenya oo ku sugnaa xadka labada dal, gaar ahaan xadka u dhaxeeya magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo.

Booliiska Kenya warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA soo weeraraeen shan sargaal oo katirsanaa ciidanka Kenya oo ku sugnaa xadka Kenya, waxa ayna halkaasi ku dileen hal sargaal, halka mid kalana uu weerarka dhaawac kasoo gaaray.

“Mid ka mid ah saraakiisha ayaa rasaas uga dhacday caloosha waana  u geeriyooday, halka kan kalena ay uga dhacday gacanta bidix, weerarkan oo dhacay Jimcihii, waxaa soo qaaday ciidamo katirsan NISA.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska Kenya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka NISA ee weeraray saraakiisha Kenya ay ka careysnaayeen dad ehelkooda ah oo lagu xiray xabsi kuyaalla magaalada Mandheera, kuwaa oo booliiska Kenya ku eedeeyeen in ay galeen dambi.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda NISA saraakiishooda , ayaan wali ka hadlin eedeyntan uga timid dowladda Kenya ee ku aadan in ciidankooda dil iyo dhaawac u geesteen labo sargaal oo katirsanaa ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal carbeed oo diiwaan geliyey Soomaaligii ugu horeeyey ee u dhintay Coronavirus

Caydiid Ali

Xamse & Dr. Fu’aad Xuseen oo 5 arrin ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Muqdisho looga xusay 75-guuradii kasoo wareegtay Aas aaska Ciidanka Booliiska ..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---