Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha RSF oo muddo kaddib soo hadlay farriin adagna diray

Hoggaamiyaha kooxda RSF ee ka dagaalanta dalka Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) , ayaa muddo kaddib la arkay muuqaalkiisa, kaddib markii la baahiyay farriin maqal iyo muuqaal ah oo laga soo duubay.

Maxamed Dagalo oo kooxdiisa RSF guuldarooyin xiriir ah kasoo gaareen dagaalka ay kula jiraan ciidanka milatariga Sudan, waxaa laga saaray qeybo badan oo katirsan Khartuum iyo magaalooyin kale ay joogeen.

Hoggaamiyaha RSF ayaa ugu baaqay ciidankiisa in mar kale qaadaan dagaal adag oo ka dhan ah milatariga Sudan, waxa uuna caddeeyay in ciidankiisa ka bixi doonin goobaha ay wali ka koogaan magaalada Khartuum.

Dagalo ayaa sheegay in ay qaadayaan howlgal cusub ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Port Sudan oo hadda xarun ay ku shaqeeyaan dowladda ay hoggaamiyaan milatariga dalka Sudan.

Muuqaalkan laga soo duubay hoggaamiyaha RSF ayaa imaanaya , xilli ay kooxdiisa la kulmayaan burbur xoog ah oo dhaliyay inay dhul badan isaga baxaan, sidoo kale ay hoos u dhacday taageerada ay heli jireen ,sidoo kalena maqnaashaha muddada dheer ee Hemedti ayaa gelisay kooxdiisa niyadjab.

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Musharxiin uu ku jiro Mukhtaar Roobow

Cabdi Cade

Xamse oo abaal-mariyey dhalinyaro Geesinimo muujiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga xallinta Khilafaadka arrimaha Gobolka Gedo oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---