Allbanaadir.com
NEWS

Dalal Yurub katirsan oo hakiyay in gantaalo iyo diyaarado dagaal Mareykanka kasoo iibsadaan

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa kula taliyay waddamada Yurub ee adeegsada nidaamka difaaca Mareykanka ee Patriot in si dhaqso leh loo gaarsiiyo nidaamka difaaca SAMP/T oo ay si wadajir ah usoo saaraan Faransiiska iyo Talyaaniga, halka kuwa heysta diyaaradaha Mareykanka ee F-35 uu u sheegay inay si dhaqso leh isugu hubeeyaan diyaaradda dagaalka ee loo rogayo in la gaarsiiyo awoodda jiilka shanaad ee Rafale oo isla Faransiisku soo saaro!

Fiiro gaar ah;

Waddamada Yurub oo ay ugu horreeyaan Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa wada olole ay isaga nadiifinayaan ku tiirsanaanta nidaamyada difaaca iyo hubka ee Mareykanka, taa beddelkeeda waxay adeegsanayaan agabka difaac ee lagu soo saaro Yurub, mar hore dalal Yurub ah ayaa joojiyay khandaraasyo ay ku soo iibsanayeen diyaaradda F-35 ee Mareykanka.

Waa maxay ujeeddada ay Yurub uga fogaanayso wax soosaarka warshadaha difaaca Mareykanka?

Dalalka Yurub, tan iyo markii Mareykanka uu hoos u dhigay dammaanad qaadka amni ee Yurub, waxay billaabeen si dhaqso leh inay sare ugu qaadaan miisaaniyadooda difaaca iyo wax soo saarka warshadaha difaaca, sababtoo ah agab kasta oo milatari oo Mareykanka uu soo saaro, wuxuu awooddaa xilli walba inuu joojiyo oo howlgab ka dhigo, mana loo adeegsan karo howlgal aan ogeysiis la siin Mareykanka, sidoo kale ma jirto cid wax ka beddel ku sameyn karta nidaamyada ay ku shaqeeyaan diyaaradaha iyo gantaallada Mareykanka, taa beddelkeeda waxay Yurub u dhaqaaqday inay helaan xorriyad difaac.

Yurub si ka duwan quwad kasta oo dunidda, waxay horseed u noqdeen dagaalladii dunidda ka dhacay, gacanta Mareykanka ee ay ku jireen ayaa dunidda ka joojisay iskuday kasta oo Yurub ay ka dhalin kartay dagaallo sameyn ku yeesha dunidda, waqtiga kooban ee hadda maamulka Trump uu ka baxay Yurub, waxay dhaqso usoo muujiyeen sida ay ugu hamuum qabaan dagaal,waxay nidaam difaac iyo hub hadda ku wadaan Ukriane, iyagoo ku adkeysanaya inay ciidan nabad ilaalin ah geyn doonaan Ukraine, taa haddii ay dhacdana wuxuu Ruushku sheegay inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal oo uu weerarri doono saldhigyada Yurub.

Mareykanka, kaliya Israa’iil ayuu u ogolyahay inay wax ka beddel ku sameyso hubkiisa oo ay ku jirto diyaaradda uu aadka u ilaaliyo ee F-35 oo ay Israa’iil nidaamka tiknoolajiyada wax ka beddeli karto, xilli walbana ay dib u dayactir ku sameyn karto, taa oo ay u dheertahay inay xilliga ay rabaan weerar ku qaadi karaan, iyadoo Mareykanka uusan waxba kala socon, si ka duwan dal kasta oo heysta diyaaradan oo aan weerar qaadi karin illaa Mareykanka uu oggolaado.

W/Q Imam Jamac

Related posts

Daawo: Muuqaalka Dekada Muqdisho Iyo Howlaha baaxada leh ee ka socda gudaha Dekadda !!

Cabdi Cade

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Caddeeyay hal arrin ay ku garab taagan yihiin Dowladda

Cabdi Cade

Bilicda Xeebta Sugunto Liido ee Muqdisho oo dib loo soo celinayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---