Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo dadkeeda uga digtay in ay qaataan Kaarka aqoonsiga Soomaaliya

Puntland ayaa ka hortimid barnaamij ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha, oo ay magaalada Gaalkacyo ka bilowday hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha u qaabilsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NIRA).

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali oo ka horyimid in diiwaangelinta heer Federaal laga sameeyo Puntland ayaa dadweynaha Gaalkacyo uga digay in aysan ku sirmin barnaamijkaasi, waxaana uu hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee dowladda Soomaaliya ku tilmaamay mid aan ku dhisnayn sharci iyo dastuur sax ah.

Guddoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta oo mara hannaanka diiwaangelinta dadweynaha ee hay’adda NIRA, si uu kaarka aqoonsiga muwaadinimo uga qaato hay’addaasi uu lumin doono xuquuqda as-aasiga ah iyo tan muwaadinimo ee Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Dastuurkii dalka ee Soomaali ku heshiisay waa la beddelay oo meesha waa ka baxay. Dastuur dhoob-dhoob ah oo aysan Soomaali ku midaysnayn hay’ad laga sameeyay oo NIRA la yiraahdo ayaa dalka timid oo leh diiwaangelin baan samayn. Horta dastuuri ma tahay mise maaha?” Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali.

“Horta qofkii aada barnaamijka diiwaangelinta ee hay’adda NIRA waddo si uu kaar aqoonsi uga helo, wuxuu lumiyay xuquuqda as-aasiga ah ee Puntlandnimada” ayuu sii raaciyay Faysal Shiikh Cali oo Reer Gaalkacyo uga digay in ay maraan hannaanka diiwaangelinta dadweynaha ee ay bilowday hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta heer Federaal ee NIRA.

 

Related posts

Xamse Barre oo shaaciyay qorshe cusub oo Xukuumadiisa wado (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Iiran oo ku hanjabtay in Xirayso Gacanka Hormuz iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Hooyo dalbatay in ay aragto wiilkeeda kahor inta aysan dhiman (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---