Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo Telfoon kula hadlay Hassan Rouhani Eedeyn kulul u jeediyay Mareykanka

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa khadka telfoonka kula hadlay Dhigiisa dalka Iiraan Hassan Rouhani , waxa uuna kala hadlay dibad baxyada iyo xiisada kusoo korotay Iiraan.

Hassan Rouhani ayaa u sheegay dhigiisa dalka Turkiga in xaaladu hada dagan tahay sidii horeyna uu dalka kusoo laabtay, waxa uuna tilmaamay in dabad baxyadu ahaayeen kuwa si dimuquraadi ah u dhacay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku eedeeyay  Dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil in faragalin toos ah ku hayaan arimaha Wadamada Iiraan iyo Pakistan iyo guud ahaan wadamada Islaamka.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan in dowladiisa si weyn uga soo horjeedo faragalinta qaawan ee Mareykanka iyo Israa’iil ku hayaan dowladah Islaamka gaar ahaan dowladaha Iiraan iyo Pakistan.

Dalka Iiraan waxaa maalmhii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeeday Dowlada, waxa ayna Iiraan ku eedeesay in Mareykanka uu faragalin ku hayo dalkeeda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Suldaan Bashiir Muuse oo maanta lagu aasay magaalada Boosaaso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin si Khaldan Telfoono badan u wacay oo lagu ganaaxay lacag dhan 120 milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Askari 5 kun Sh.so u dilay oday 65 jir ah & Taliska Booliska oo war kasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---