Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dil iyo qarax ka dhacay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa galabta nin shacab ah ku dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmadaas.

Asad Maxamed Qaasim (Asad Gaab) ayaa lagu dilay agagaarka Daarta Macmacaanka oo ku taalla xaafada Dhagaxtuur ee degmada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableyda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen weerarka ka dib.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysay.

Dilka ninkan ayaa ku soo beegmay xili maanta bam gacmeed lagu weeraray guri ku yaalla degmada Afgooye oo ay ka socotay xaflad aroos, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

“Farmaajo wuxuu fariintiisa wejiga labaad ee muddo kororsiga dhexmariyey Mursal”

Caydiid Ali

Xagee u Socotaa Itoobiya , Maxaasa ku dhacay Nabadoonkii Geeska Afrika ?

Cabdi Cade

Xildhibaan sheegay in Puntland aysan aheyn sida Waqooyiga Kuuriya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---