Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa soo saaray amar xadidaya ama baabi’inaya shaqada idaacada VOA iyo hay’ado kale oo dowlada hoos taga
Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo uu ku doonayo inuu xaddido waaxda mas’uulka ka ah warbaahinta dowladda Mareykanka ee Voice of America (VOA) iyo lix hay’adood oo kale.
Ururka Reporters Without Borders (RSF) ayaa cambaareeyay go’aankan, wuxuuna ku tilmaamay inuu ka leexanayo doorkii taariikhiga ahaa ee Mareykanka ee ahaa difaaca xorriyadda warbaahinta.
RSF waxay ugu baaqday dowladda Mareykanka inay dib u soo celiso VOA, waxayna ka codsatay Kongareeska iyo beesha caalamka inay tallaabo ka qaadaan go’aankan aan horay loo arag.
Warbaahinta shaqaalaheeda la kala diray , ma aha kuwa caadi ah ee waa shabakado u adeegi jiray Mareykanka oo qaarkood loo adeegsan jiray ka hortagga saameynta Ruushka iyo Shiinaha , waxay door fikradeed ku lahaayeen inay sare u qaadaan maqamka Mareykanka
Go’aankan wuxuu sidoo kale halis gelinayaa suxufiyiinta USAGM ee ka shaqeynaya dibadda ama hadda xiran iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.