Mark Joseph Carney ayaa loo dhaariyay maanta xilka RW Canada isagoo bedelaya ra’isul Wasaarihii hore Justin Trudeau oo xilka iska casilay.
Mark Carney waa 60 jir siyaasi iyo dhaqaale-yahan wuxuuna noqday ra’isul wasaaraha 24aad ee Canada iyo hoggaamiyaha Xisbiga Liberalka
Waxa uu hore u soo qabtay xilka guddoomiyihii 8aad ee Bankiga Canada intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013 (Governor of the bank of Canada) iyo guddoomiyihii 120aa ee Bankiga dalka Ingiriiska 2013 ilaa 2020 (Governor of the bank of England), wuxuuna ahaa ninka keliya ee aan Ingiriis ahayn oo xilkaas ka qabta Ingiriiska.
Isla maanta ayuu soo dhisay gole wasiirro oo ka kooban 24 xubnood, halka golihii ugu dambeeyay ee Trudeau ay ka koobnaayeen 39 xubnood.
Xildhibaanka laga soo doorto Toronto Ahmed Hussen kana mid ahaa golihii wasiirrada ee Trudeau tan iyo 2017, kana soo qabtay xilal afar waaxood intii uu xubinta ka ahaa golaha wasiirrada sida socdaalka, qoysaska iyo horumarinta bulshada, guryaha iyo horumarinta caalamiga ayaa ka mid ah 18 Wasiir oo golihii wasiirada hore ee Justin Trudeau oo xilalkoodii ku waayay golahan Wasiirada ee cusub.
Ahmed Hussen wuxuu taageeray ra’isul wasaare ku xigeenkii & Wasiirkii hore ee Maaliyadda Chrystia Freeland oo ahayd haweenaydii tartanka hoggaaminta xisbiga liberalka kula loolantay Mark Carney, iyadoo uu ra’isul Wasaarahan cusubna u magacaabay Freeland wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka (Minister of Transport Canada).
Waxaan hayaa wasiirro cusub oo wata fikrado cusub, diyaarna u ah inay ka jawaabaan khataraha cusub ee ka imaanaya maamulka Trump haystana fursado ay kaga faa’iideysan karaan aqoontooda iyo khibradohooda ayuu ka sheegay Mark Carney oo shir jaraa’id qabtay maanta markii uu xilka ku wareegayay