Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo hub iyo gaadiid kala wareegay Daacish (Sawirro)

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad ayaa Daacish ka saaray dhawr talis, oo ay ku keydsan yihiin hubka noocyadiisa kala duwan, gaadiid, mootooyin iyo sahay milateri.

War Saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Puntland ee PMPF ayay ku sheegeen inay argagixisada Daacish ka saareen talisyadii  Godmadow, Lugta Laaska Wehelle iyo Isha Dharabato oo dhammaantood ka tirsan togga Jecel

Waxay halkaas ku dileen laba miinayste oo ka mid ah kooxda Daacish sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska howlgalka ciidamada Puntland.

“Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgallo qorshaysan maanta fuliyey ayaa ku diley laba Miinayste oo ka tirsan khawaariijta Daacish, iyagoona la wareegey Talisyada Godmadow ee Curaar, Lugta Laasku Wehelle iyo Isha Dharabato oo ka tirsan togga Jaceel” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka PMPF.

Ciidamada ayaa sidoo kale Daacish ka furtay gaari Iska-rogo ah, gaari yar oo ay furfureen, hubka noocyaddiisa kala duwan, Mootooyin, saad, sahay iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay dhammaantood aaseen, balse ciidamaddu ay soo saareen.

Related posts

Booliiska Galmudug oo xiray Masjid kuyaala Galmudug iyo Wasaarada Amniga oo kahor timid

Cabdi Cade

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul siiyey Somaliland

Caydiid Ali

Nin lugeeyay in ka badan 1,300 KM si Ra’isul Wasaaraha dalkiisa ula kulmo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---