Allbanaadir.com
NEWS

Digniin ka dhan ah kooxda Daacish oo loo diray Shacabka Puntland

Qoraal digniin ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Puntland, ayaa loogu baaqay dhammaan dadweynaha Puntland in ay taxaddar ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka dagaallamayaasha kooxda Daacish ee kasoo baxsanaya ciidamada Puntland.

Booliiska Puntland qoraalka ay soo saareen ayey ku sheegeen in firxadka kooxda Daacish ay suurto gal tahay in ay ku dhax dhuuntaan bulshada gabaadna ka dhigtaan, si ay uga baxsadaan gacanta ciidamada ammaanka ee ku mashquulsan soo afjarida kooxdaasi.

“Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan. Haddii aad aragto ama maqasho dhaqdhaqaaq laga shakiyo si degdeg ah ula xiriir booliska adigoo wacaya 999 (24/7 diyaar ah)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliiska Puntland.

Digniintan kasoo baxday Booliiska Puntland , ayaa kusoo aadeysa xilli ay ciidamada difaaca maamulkaasi buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ka wadaan howlgal balaaran ay ku doonayaan ciidamada in ay kusoo afjaraan kooxdaasi caaddeysatay daadinta dhiigga Islaamka.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirweyne uu Maalgalinayo Ururka OIC oo Muqdiho ka furmaya iyo Wakiilo Dowladeed oo…

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo lagu qasbay heshiisyadii ay la gashay Musharaxiinta Mucaaradka

Cabdi Cade

Maamulka Jubbaland oo digniin adag soo saaray ka dib boob lagu bilaabay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---