Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay in duqeyn lagu dilay Cabdallah Muslih al-Rifai

Dowladda Mareykanka ,ayaa xaqiijisay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Al Anbar ee galbeedka Ciraaq lagu dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish, waxaana dilka hoggaamiyahan gacan ka geestay sirdoonka dalka Ciraaq.

War kasoo baxay Taliska Dhexe ee ciidanka Mareykanka (CENTCOM) ayaa lagu shaaciyay in duqeyn dhacday 130kii bishan Maarso lagu dilay madaxii guud ee hawlgallada caalamiga ah ee ururka Daacish, Cabdallah Muslih al-Rifai.

Hoggaamiyahan la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in uu u shaqeenayay sida hoggaamiye kuxigeenka Daacish, waxa kale ahaa ninka ugu sarreeya ee bixiya ammarada howlgallada iyo weerarada kooxda Daacish ka fuliso caalamka, sidoo kale ahaa ninka masuulka ka ah saadka daacish iyo qorsheynta weerarada.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump, ayaa soo dhaweeyay dilka hoggaamiyahan katirsanaa Daacish, waxa uuna sheegay in ninkan  ahaa khatar weyn oo dunidda la dhaafiyay, sabab la xiriirta doorka ninkan uu ka qaadanayay qaab dhismeedka Daacish.

Kooxda Daacish ayaa laga dilay tiro hoggaamiyaal sar sare ah, waxaana kooxda aad loo dhimay meeshana laga saaray awoodii ay ku lahaayeen dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo mar qabsadeen qeybo badan oo kamid ah, waxa ayna hadda kooxdan wajaheysa duullaan dhinacyo kala duwan uga imaanaya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Maamuusay Xildhibaan Given Williamson oo Olole u wada (Sawirro)

Cabdi Cade

Eritrea oo bilowday in ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigrey kadib baaq loo diray

Cabdi Cade

Kenya oo kordhisay qiimaha lacagta lagu qaato kaarka aqoonsiga iyo Baasaboorka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---