Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Mucaarad ah oo lumiyay kamid ahaanshaha Golaha Shacabka kaddib ..

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha shacabka.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo  ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop021 uu lumiyay xubanimadiisa, kaddib markii in ka badan labo kalfadhi uu iska maqnaa isaga oon wax cusur daar ah keynniin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201, uu lumiyay xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo kasoo jeeda gobolada waqooyi.

Xildhibaankan laga qaaday xasaannada sidoo kale lumiyay in Golaha Shacabka kasii mid ahaado , ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Xasan Sheekh, waxa uuna marar badan qoraalo ka dhan ah dowladda u diray hay’addo iyo dalal taageera dowladda Soomaaliya.


Related posts

(Sawirro) Rag loo heysto dil & dembiyo kale oo la horkeenay Maxkamada ciidamada

Caydiid Ali

Godad ay Al Shabaab hubka iyo Raashinka ku keydsan jireen oo la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu u qaadacay shirka Muqdisho ka furmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---