Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo iska diiday qorshe halis ah ay wataan Mareykanka iyo Israa’iil

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin qorshe ay wataan dalalka Mareykanka iyo Israa’iil, kuwaa oo doonaya dalal ay Soomaaliya ku jirto dib u dejin qasab ah loogu samreeyo shacabka Falastiin ee laga barakicinayo magaalada Gasa.

Saraakiil Mareykan iyo Israa’iil u dhashay, ayaa la sheegay in ay xiriir la sameeyeen masuuliyiin katirsan dowladaha Sudan, Soomaaluya iyo maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in ay kala hadleen qorshaha dib u dejinta shacabka Gasa laga soo barakicinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa beeniyay in wax wadahadal ah lagala soo sameeyay qorshahan ay wataan Mareykanka iyo Israa’iil ee dib u dejinta loogu raadinayo shacabka Gasa.

Waxa uu Wasiir Axmed Fiqi si cad u sheegay in ay kasoo horjeedaan qorshe kasta oo la doonayo in shacab xoogga looga barakiciyo dhulkooda, waxa uuna xusay in xukuumadda Muqdisho kasoo horjeedo in dalkeenna loo adeegsado dib u dejin dad kale si qasab ah loogu sameeyo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isna caddeeyay in aysan jirin wax wadahadal ah oo ay ka galeen dib u dejin deegaannadooda lagu sameeyo shacabka Gasa laga barakicinayo.

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale iyana la sheegay in ay iska diiday in ay aqbasho in dalkooda dib u dejin loogu sameeyo dadka reer Falastiin ee Mareykanka iyo Israa’iil doonayaan in laga barakciyo magaalada Gasa oo hadda inteeda badan la burburiyay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abuu Mansuur oo Dhaq dhaqaaq Ciidan wada iyo Koonfur Galbeed oo ka hadashay

Cabdi Cade

Booliis Islaami ah oo weerar ku qaaday goob ay isku aroosayeen Lamaane isku jinsi ah

Cabdi Cade

Tarsan: “Somalia waa dalka kaliya Afrika ee dagaal kula jira labo urur oo argagaxiso ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---