Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay sargaal katirsanaa Al Shabaab oo…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaan, kaa oo la sheegay in uu kasoo goostay kooxda Al Shabaab uu sanado katirsanaa.

Yacquub Macallin Axmed oo 7-sano ka hor kooxda Al Shabaab uga biiray deegaanka Janaale , ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkan isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka , ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada Awdheegle.

Wuxuu sheegay in Al Shabaab uu soo wajahay culeys ay u dul-qaada waayeen oo uga imaanaya duulaanka iyo go’doominta ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, taasi oo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigtay xubno ay ku sheegtay in ay ahaayeen saraakiil iyo dagaalyahanno katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo go’aansaday in ay safka dagaalka kasoo baxaan iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda.

Related posts

Aabbe waayeel ah oo dil argagax leh ka geestay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya ?

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo si diiran u soo dhoweysay hadal ka soo yeeray Cristalina Georgieva

Caydiid Ali
Taboola Ads ---